666 Views

Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Saraakiil ka tirsan TPLF

Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Saraakiil ka tirsan TPLF
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2021—Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Ciidamada Difaaca Qaranka ay dileen sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Saraakiil Sar sare oo ka tirsanaa xoogaga TPLF, kuwaas oo ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.

Madaxa Waaxda Howlgalinta Ciidamada Difaaca, Birg. Jen. Tesfaye Aylew ayaa Saraakiisha la dilay waxaa uu Magacyadooda iyo xilalkooda ku kala sheegay.

1.Major General Ibraahim Cabduljeliil, Madaxii Adeega guud ee Ciidanka

2- Birgeedher jeneraal gebrekidan G/maaryam oo Hawl gab ahaa.

3- Toban xubnood oo korneelo ahaa.

4- labo Sarkaal oo kale.

5- Hal Sarkaal oo kalkaaliye jeneraal ahaa oo booliska deegaanka tigray ka tirsanaa.

Sidoo kale Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidamada Difaaca Qaranka JDFI ay gacanta kusoo dhigeen 7 xubnood oo Hoggaaminta Shacabka ah ee TPLF ahaa, waxaana lagu kala sheegay Xubnaha.

Abaay waldu madaxwaynihii hore ee deegaanka Tigray.
2- Dr Abraham tekaste madaxwayne kuxigeenkii hore ee deegaanka tigray.

3- Dr raadi barihe madaxii hanti dhawrka.

Dr mulugeta yirga madixii wakaalada tiro koobka ee deegaanka tigray.
5- Iqubaay barihe madixii dabagalka arrimaha diimaha.

6- Getaachew tafara madixii xafiiska madaxwaynaha iyo xafiiska nabadda iyo amniga deegaanka tigray.

7- Marwi kiroos xagoos madixii xafiiska arrimaha bulshada ee tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay weli baadi goob ku heyso saraakiil iyo Xubno sar sare oo ka tirsan TPLF, kuwaas oo dagaal xoogan la galay Ciidamada federaalka Itoobiya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post