885 Views

Ciidamada Dowladda oo B/weyne ku xir xiray Odayaasha dhaqanka Beelihii ku Dagaalmayay

Ciidamada Dowladda oo  B/weyne ku  xir xiray Odayaasha dhaqanka Beelihii ku Dagaalmayay
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Ciidamada Dowladda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Saacadahii ugu dambeeyay howgalo ka Sameeyay Xaafadaha Magaalada ayaa xir xiray qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Beelihii Maalmahan ku Dagaalmayay Duleedka Waaqooyi Galbeed Magaalada beledweyne.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in sababaha loo xiray ay tahay Odayaasha kadib markii laamaha Amniga ay ka warheleen in Al-Shabaab ugu yeeren Odayaasha labada beelood Degaanka Buq-qabale oo ay Maamulaan.

Odayaasha la xiray oo tiro ahaan gaaraya lix ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne, halkaas oo lagu weeydiinayo su’aalo la xiriira u yeeritaanka Al-Shabaab.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Hir-Shabeelle ayaa dhowr jeer uga digay Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada la Macaamiilka Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iuo dowlad Goboleedyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post