1134 Views

C/raxmaan Cabdi Shakuur”Waxaa shaki abuuraya Ciidamada oo guulo gaaray in Taliyahoodii la bedelo”

C/raxmaan Cabdi Shakuur”Waxaa shaki abuuraya Ciidamada oo guulo gaaray in Taliyahoodii la bedelo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbga Wadajir ayaa weerar afka ah waxaa uu ku qaaday Madaxda Dowladda Federaalka sababo la xiriira xilka qaadistii lagu sameeyay taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe).

 

Waxaa uu sheegay in xilligaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay gaareen guulo waaweyn,hayeeshee ay shaki abuureysa in, iyada oo guushaasi ay ciidamadu gaareen hadana xilka laga qaado taliyihii Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan ee dagaalka kula jira kooxaha argagexisada ah ee furamaha dagaalka ku jira. Waxaase shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya, taliyihii loo bedelay isagoo weliba jiida hore ee dagaalka ku jira ayuu yiri Cabdiraxmaan cabdi Shakuur.

 

Sidoo kale Siyaasiga  Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Nin 5 taliye 2 sano iyo bar ku bedelay  uusan Al-Shabaab dagaal kula jirin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment