768 Views

Turkiga oo cambaareyay goaanka Israel ugu fasaxday Yahuuda ku inay cibadeystaan Masjidka Barakeysan ee Qudus.

Turkiga oo cambaareyay goaanka Israel ugu fasaxday Yahuuda ku inay  cibadeystaan  Masjidka Barakeysan ee Qudus.
____________________________________________________________________________


Jimco: October 8, 2021

Bayaan laga soo saaray Wasaarada Arimaha dibada Turkiga ayaa lagu cambaareyay goaanka Israel ee ugu fasaxsay Yahuuda ku cibadeysiga Masjidka Barakeysan ee Qudus.

Garsoore Israa’iil ah ayaa xukumay in Yuhuudda ay si “aamus” ah ugu gudan karaan salaadooda dhismaha masjidka Al-Aqsa, oo ay si weyn u xushmeeyaan Muslimiinta, go’aankaasi oo horseeday caro ballaaran.

Al-Aqsa ayaa udub dhexaad u ah khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, wuxuuna haatan ka mid noqday bariga Qudus ee ay Israa’iil maamusho, inkastoo uu misaajidka maamulo golaha arrimaha Islaamka ee Waqf.

Golaha Waqf ayaa xukunkii Talaadadii ee garsooraha maxkamadda Majisteraytka Qudus Billha Yahalom ku tilmaamay “daandaansi” aan sharci ahayn, halka ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Shtayyeh uu uga digay Israa’iil tallaabo kasta oo lagu dhaqan gelinayo go’aankaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post