717 Views

Maraykanka waji-gabax kala kulmay cunaqabataynta Iran kuna dhawaaqay tallaabo uu kaligii ku yahay!

Maraykanka waji-gabax kala kulmay cunaqabataynta Iran kuna dhawaaqay tallaabo uu kaligii ku yahay!
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 18 2020—Mareykanka ayaa si iskiis ah usheegi doona dhamaadka usbuucan in cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee lagu bartilmaameedsanayo Iran ay markale dhaqan gashay, iyadoo ay garabkiisa ka bexeen inta badan xubnaha Golaha Amaanka qaramada midoobay (UNSC) oo ay ku jiraan kuwo muddo dheer xulafo la ahaa.

Elliott Abrams, oo ah wakiilka gaarka ah ee maamulka Trump ee Iran ayaa yiri “gebi ahaanba cunaqabatayntii Qaramada Midoobay ee saarneyd Iiraan waxa ay dib ugu soo laaban doontaa meesheedii dhamaadka usbuucaan sabtida 19ka.”

Tallaabada, si kastaba ha noqotee, waxa ay halis gelineysaa go’doominta diblomaasiyadeed ee Washington iyada oo sidoo kale sii hurineyso xiisadaha caalamiga ah ee hordhaca u ah doorashada Mareykanka la filayo bisha Nofeembar.

13 ka mid ah 15-ka xubnood ee ka tirsan UNSC, oo ay ku jiraan Britain, France iyo Jarmalka, ayaa sheegaya in tallaabada Washington ay tahay mid aan waxba ka jirin oo diblomaasiyiinta ay rumeysan yihiin in dalal yar ay u badan tahay in ay dib u soo celiyaan tallaabooyinka, kuwaas oo lagu qaaday heshiiskii 2015 ee u dhexeeyay quwadaha adduunka iyo Iran.

Is-maandhaafka ayaa bilaawday bartamihii bishii Ogosto ka dib markii maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay guuldaro weyn kala kulantay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay kadib markii ay isku dayday in ay kordhiso cunaqabateynta hubka caadiga ah ee loo dirayo Tehran.

Xayiraadda ayaa la saaray 2007, cunaqabataynta waxa ay ku egtahay 18ka Oktoobar, sida lagu heshiiyey heshiiska nukliyeerka ee u dhexeeya Iran, Ruushka, Shiinaha, Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Mareykanka oo doonaya in laga hortago Tehran in ay sameysato hubka nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta .

Ka dib markii ay ku fashilantay bishii la soo dhaafay in la kordhiyo cunaqabateynta hubka ee UNSC, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa weerar aan caadi aheyn ku qaaday xulafada Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka, isagoo ku eedeeyay “in ay la safteen Iran”. Bishii Ogosto 20, wuxuu ku dhawaaqay tallaabo muran dhalisay oo loo yaqaan ” snapback”, oo ujeedadeedu tahay dib u soo celinta dhammaan cunaqabatayntii saarneyd Iran bil kadib.

Cunaqabateynta ayaa la qaaday sanadkii 2015-kii markii Iiraan ay saxiixday heshiiska niyukleerka, oo si rasmi ah loogu yaqaanno Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA)

Si kastaba ha noqotee, Trump ayaa sheegay in heshiiska taariikhiga ah, ee uu kala xaajooday madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Barack Obama, uusan ku filnayn. 2018, madaxweynaha Jamhuuriga wuxuu kaligiis ka saaray Mareykanka JCPOA wuxuuna sii waday cusbooneysiinta iyo xitaa xoojinta cunaqabateynta labada dhinac ee Washington.

Waqtigaan la joogo, Mareykanku wuxuu ku adkeysanayaa inuu wali qayb ka yahay heshiiskii ay ka baxday, laakiin kaliya si uu u dhaqaajiyo ikhtiyaarka “snapback”.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post