792 Views

Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 06, 2021 —Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degaanka taabto hoostaga degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka Taabta ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay casbi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhiga ay ku sugan yihiin la weeraray.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post