8370 Views

Qarax weyn oo lala beegsaday Nasa Hablood 1

Qarax weyn oo lala beegsaday Nasa Hablood 1
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 25, 2016: Qarax iyo isrisaadayn xooggan ayaa ka socota gudaha Hotelka Naasahablood ee ku yaalla Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaasoo galabta 4-30ki weerar ku bilowday qarax xooggan ay ku qaaday Al-Shabaab, iyadoo qaraxa kadib dabley hubeysan ay gudaha u gashay ayaga oo risaas ridayay.

Koox hubeysan ee gudaha hotelka gashay ayaa lagu qiyaasay 3-4 ruux oo aad u hubeysan, waxaana markii gudaha u galeen hotelka si aad ah isaga caabiyay ilaalada hotelka.

Iska hor imaadka ka socda gudaha Hotelka ayaa muddo saacad iyo ka ban galay galay, iyadoo markii wax yar ay ka harsan tahay xilliga afurka ee Muqdisho.

Gudaha Hotelka ayaa laga maqlayay bam gacmeed ay adeegsanayeen dableyda hubeysan, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay weerarka kaas oo weli ka socda gudaha hotelka.

Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Hotelka ay bad baadiyeen dad kooban oo gudaha Hotelka ku sugnaa, lamana oga illaa iyo hada in Hotelka ku jiraan Mas’uuliyiin iyo dad kale.

Goobo ganacsi oo ku dhow Hotelka iyo Kaalin shidaal ayaa ku bur buray qaraxa, waxaana la soo sheegayaa in kaalinta shidaal ee ku taala agagaarka Isgoyska KM4 ay tahay mid gubaneyso.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goor dhow Hotelka gaaray, waxaana la sheegayaa inay ka galeen hotelka qeybta dambe.

Illaa15 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaraxa, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen in kastoo an xod huban an la haynin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, waxayna tilmaamtay in dagaalyahanadeeda ay gudaha Hotelka ku jiraan, isla markaana ay howl gal ka wadaan.

Weerarka Hotelka Naasahablood 1 ayaa ku soo aadaya, 24 cisho kadib markii sidan oo kale weerar loogu qaaday Hotelka Ambassador oo aan sidaa uga fogeyn hotelka hada weerarka uga socdo oo weli xabaddu ay ka dhaayso.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment