1161 Views

Midowga Afrika oo si kulul uga hadlay muhaajiriinta Liibiya lagu laayay

Midowga Afrika oo si kulul uga hadlay muhaajiriinta Liibiya lagu laayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 03, 2019—Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay In baaritaan madax bannaan lagu sameeyo duqayntii dhanka cirka ahayd ee lagu qaaday xarunta dadka soo galootiga ah lagu xiro ee Liibiya ku taalla, halkaas oo ay ku dhinteen konton ruux oo muhaajiriin ah, sida ay sheegeen masuuliyiin dawladda ka tirsan.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha ayaa weerarka ku tilmaamay “dambi aad u qaabdaran” wuxuuna ku sheegay in uu doonayo in lagula xisaabtamo dadkii weerarkaas gaystay.

 

 

Mahamat ayaa ku baaqay in si degdeg ah xabbadda loo joojiyo, dhinacyada oo dhanna ay ku dadaalaan badqabka iyo ammaanka shacabka, il gaar ahna ay ku fiiriyaan dadka soo galootiga ah ee ku go’doonsan goobaha muhaajiriinta lagu xiro.

 

Dad lagu qiyaasay 120 muhaajiriin ah oo gaajaysan ayaa ku sugnaa xarunta dadka soo galootiga ah lagu xiro ee Tajoura, kaas oo la duqeeyay Arbacadii, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Cusmaan Cali oo ah afhayeenka shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment