690 Views

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo sheegay in aysan wada hadal la galaynin Ahlusunna

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo sheegay in aysan wada hadal la galaynin Ahlusunna
____________________________________________________________________________

Isniin: November 8, 2021

Saacado kadib markii uu BBC la hadlay Madaxa Ahlusunna wal jameeca Macalin maxamuud, oo uu sheegay in Galmudug iyo Ahlusuna ay yihiin laba Dowladadood, ayaa waxaa arintaas ka hadlay maamulka Galmudug.

Wasiirka warfaafinta mamaulka Galmudug ayaa sheegayinaysan diyaar u ahayn in ay wadahadal la galaan Ahlu Sunna isla markaana Galmudug uu ka jiro maamul sharci ah.

Wuxuu sheegay in dhalinyarada la qaldayana ay cafiynayaan.

“Anagu marka hore xiriir wadahadal ma aanay laheyn, hataana xiriir wadahadal ah ma lihin, dhalinyaro ku xaadgudubtay sharciga weeye, anagoo la hadlin bey cafis naga yihiin laakiin sida hadda warka loo dhigayo, wadahadal oo na dhexmaray, xabaddu kuma joogsanin haatan wadahadal aan sugeyno oo miiska noo saaran ma jiro” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayaa xilli gudoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaacah uu markii ugu horraysay ka warbixiyay qaabkii ay ciidammadooda uga saareen magaalada Guriceel, isagoo sheegay inay doonayaan in wadahadal lagau xalliyo khilaafka taagan hasayeeshee illaa hadda aanay jirin cid la soo xiriirtay.

Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo BBC-da siiyay wareysi gaar ah waxa uu ku eedeeyay inay soo maleegeen dowlad goboleedka Galmudug iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay tobannaan qof, dad kale oo badanna ay ku dhaawacmeen halka kumannaan qofna ay guryahoodii ka qaxeen.

Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in ciidamadooda ay haatan ku sugan yihiin meel u dhow magaalada Guriceel ayna magaalada uga baxeen codsi uga yimid dinacyo kala duwan.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post