1299 Views

Wararka Akhriso:-Dowladda Turkiga” Ma hakin doono howlaha aan ka wadno Soomaaliya”

Wararka Akhriso:-Dowladda Turkiga” Ma hakin doono howlaha aan ka wadno Soomaaliya”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | January 19, 2020 — Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Injineero u dhashay dalkaas shalay lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabelelaha Hoose,qaraxaas oo ay waxyeelo kasoo gaartey muwaadiniin Turki ah.

Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga aysan hakin doonin weerarada lala beegsanao muwaadiniintooda ku sugan Soomaaliya,isla markaana ay siiwadi doonaan.

“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda ayuu yiri” Wasiirka.

28-kii Bishii December ee sanadkii tegay ee 2019 ayaa qarx ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye,waxaa ku geeriyootey laba Injineero oo u dhashay dalka Turkiga,kuwaas oo qeyb ka ahaa kuwa dhisaya wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment