123 Views

Dr. C/llaahi Sheekh “Xassan Sheekh & Farmaajo in aysan Gobolka Banaadir khayr u wadin waxaa ka marqaati ah……”

Dr. C/llaahi Sheekh “Xassan Sheekh & Farmaajo in aysan Gobolka Banaadir khayr u wadin waxaa ka marqaati ah……”
____________________________________________________________________________

Isniin, 25 December (Qaranimo Online) Dr. C/llaahi Sheekh oo ah macalin wax ka dhiga Jaamacad ku taal Gobolka Minnesota ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo & Madaxweyne Xassan Sheekh  labadu ba aysan wax dan ah ka laheyn Caasimada Muqdisho.

“Siddeed iiga dhaadhicin kartaa in Muqdisho aad kheyr & wanaag la dooneyso mar haddaad (sendico) Guddoomiye uga dhigtay Cumar Filish & Madaale. Mudulood miyaa laga waayay dad aqoon & karti u saaxiib ah oo Magaaladaasi halkii ay mudneyd dhigi kara.? Kaaga sii darrane mid kasta oo Gobolka madax u noqdo hantida uu dhacayo qarsoodi ma ahan waa loo jeedaa, mana jirto cid la xisaabtameysa, dadka aan soo arkay ee canshuurta ay bixiyaan midka dhaca ku liibaani mayo” Ayuu yiri Dr. C/llaahi Sheekh oo twitter kiisa soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo waxyaabihii uu Muqdisho ku soo arkay dhowrkii billood ee uu ku sugnaa,  isaga oo intaasi ku daray in Muqdisho baahida ugu weyn ee ay qabto in ay tahay in hogaan damiir leh oo  

“Caasimadda waxaa ka jiray xilliyadii hore ururo bulsho (civil society) waxaa ku mideysnaa shaqsiyaad hormuud u ah qeybaha kala duwan ee bulshada, sida macalimiin, dhaqaatiir, aqoonyahanno, ganacsato, & saxafiyiin, qeybahaasi waxeey soo gudbin jireen mararka qaar jariimooyinka Magaalada ka dhaca, hadda waxaad dareemeysaa in qolo kasta meel lagu jiheeyay oo aysan jirin cid waxa qaldan tilmaameysa, cabsi in ay jirta na waa dhici kartaa, haddana waxaa meesha ka maqan isla xisaabtan dhab ah, oo ku jiheysan dadka haya maamulka Dowladda” Ayuu yiri Dr.Maxamed C/llaahi, isaga oo ku booriyay dadka waxgaradka ah in ay hurdada ka kacaan.

“Adduunku, maanta ma ahan siduu ahaa 20 sanno ka hor, duniddu waxeey noqotay hal xaafad oo isku furan. Xukunkii kelitaliska ahaa ee Masar ee uu madaxda ka ahaa Xusni Mubaarak wuxuu sababsaday qiimihii rootiga oo 1 shillin lagu daray, haddii bulshadu ay ka soo baxaan dad damiirkoodu nool yahay oo qaladaadka ay Dowladdu ku dhacdo yiraahda MAYA ma qaadan karno, dalku rajo ayuu yeelan karaa, waxaa ii muuqata in hay’adihii Dowladda qeybo badan oo ka mid ah in dadka madaxda ka ah in ay ka dhigtaan maqaaxi ay iyagu leeyihiin, mana aha wax la qaadan karo” Ayuu ku yiri Twitter-kiisa Dr. Maxamed C/llaahi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post