447 Views

Alshabaab oo ka gudbay xadka Gobolka Hiiraan Gudahana ugalay Itoobiya mar kale

Alshabaab oo ka gudbay xadka Gobolka Hiiraan Gudahana ugalay Itoobiya mar kale
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Sida ay wararku cadeynayaan Isgaarsiinta dhinaca Soomaaliya laga leeyahay ee gaarta deegaanada dhaca Xaduuda Gobalka Hiiraan la wadaago Dhulka Soomaali Galbeed ayaa hawada laga saaray goor dhaw, (Baladweyne ilaa Feerfeer) amarka waxaa la xaqiijiyey in ay bixisay Kooxda Al Shabaab, sidan oo kale ayay sameeyeen intii ay maalmo kahor weerar kuqaadan Yeed iyo Aato.

Ka dibna usii gudbeen deegaanka Soomaali Galbeed, oo ay wali ciidamada xoogga gaarka ah ee deegaanku kula dagaalamayaan.

Ciidanka gaarka ah ee deegaanka ayaa kujira Heegan xoog leh, markii laxaqiijiyey in xaduudaha ay kadhici karaan weeraro lamid ah kii Yeed iyo Aato ka dhacay.

Sida ay wararka reer miyiga maanta laga helay sheegayaan maleeshiyaad katirsan kooxda Argagixiso ee Al Shabaab ayaa aagaga Xaduuda ku dhaw lagu arkay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post