930 Views

Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo sheegay inay qabteen saddex gantaal oo laga soo ganay dhinaca Yemen

Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo  sheegay inay qabteen saddex gantaal oo laga soo ganay dhinaca Yemen
____________________________________________________________________________

Aaxad: September 5, 2021

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa sheegay inay qabteen saddex gantaal oo laga soo ganay dhinaca Yemen, isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga ee dagaalka ka wado Yemen ayaa sheegay in mid kamid ah gantaallada la doonayay in lagu garaaco gobolka bariga ku yaalla ee shidaalka qaniga ku ah ee dalka Sucuudiga.

Warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in 2 canug ay ku dhaawacmeen weerarka kuwaas oo ku sugnaa duleedka magaalada Dammam.

Isbaheysiga uu horkacayo Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gantaallada baalistiiga ah ee la doonayay in lala beegsado magaalooyinka Najran iyo Jazan ee koonfurta Sucuudiga.

Waxay sidoo kale sheegeen inay qarxiyeen diyaarad Drones-ka oo loo doonayay in lagu weeraro halkaas.

Maleeshiyaadka Xuutiiyiinta ma aysan ka hadlin weeraradan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post