1602 Views

Xildhibaan Cosoble “Waxaa Socda Qorshihii Lagu Burburin Lahaa Baarlamaanka,Hadii Aan….

Xildhibaan Cosoble “Waxaa Socda Qorshihii Lagu Burburin Lahaa Baarlamaanka,Hadii Aan….
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 —Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka,isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamaanka ayaa weerar afka ah ku qaaday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka tan iyo markii ay soo gudbiyeen Warbixintii la xiriirtay musuq maasuqa ay la kulmeen Caga jugleyn iyo handadaad,sidoo kalena uu socdo qorsho lagu burburinayo Baarlamaanka.

“Waxaan arkeynaa in uu socdo qorshihii lagu burburin lahaa Baarlamaanka,oo guddiga miisaaniyadda qaarkood loo hanjabay,laakin waa in sida sharciga iyo xeerka uu qabo in la raaco,balse hadii sidaan lagu sii socdo burburin ayaa ku socota Baarlamaanka Haddii aan lagu fakan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Maalma ka hor ayay aheyd markii Xogheyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sheegay in hanjabaad uga timid Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya wallow Xukuumaddu weli ka hadlin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment