2034 Views

NISA oo sheegtay in xubin Al-Shabaab ah ay ku soo qabatay howlgal

NISA oo sheegtay in xubin Al-Shabaab ah ay ku soo qabatay howlgal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2019–Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka sameysay degmada Yaaqshid ay ku soo qabatay xubin ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kala horjeeda dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Twitter-k NISA ayaa lagu xaqiijiyay qabashada ninkan, waxeyna sheegtay iney laba jibaareen howlgalada ka dhanka ah xubnaha Shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysanaya magaalada Muqdisho.

 

“Howlgal ciidmada amnigu ka fuliyeen Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe ka tirsan Al Shabaab, Ciidanka amniga ayaa laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah xubnaha argagixisada ah ee AS iyo ISIS” sidaas waxaa lagu qoray barta Twitterka ee NISA.

 

Howlgalkan ayaa yimid laba maalin kadib markii NISA ay sheegtay in howlgal ay ka sameysay degmada Howlwadaag ay ku soo qabatay xubin ka tirsan Kooxda Daacish.

 

Ma jirto ilo ka madax banaan qoraalka NISA oo xaqiijinaya dadka ay soo qabtaan, maadaama aysan bixin xog ku saabsan shaqsiyada ninka la qabtay iyo Sawirrada dadka ay soo qabtaan, iyadoo hore Warbaahinta loogu soo bandhigi jiray ragga falalka amni darro ka geysta gobolkan Banaadir, xilliyada howlgalada lagu soo qabto.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment