2226 Views

Dhagayso:-Gudoomiyaha maxkamada sare oo u digay dadka Shabaab garsoorka u doonta

Dhagayso:-Gudoomiyaha maxkamada sare oo u digay dadka Shabaab garsoorka u doonta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 29, 2018 – Baashe Yuusuf Axmed gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta Muqdisho ka sheegay in Maxkamada Sare ee dalka aysan u dulqaadan doonin in Shabaab garsoor loo doonto.

Gudoomiye Baashe ayaa ugu digay dadka u doonta Shabaab garsoorka in ay wajahi doonaan cawaaaqibkeeda oo uu sheegay in xabsi ay ku muteysan doonaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in maxkamada ay soo gola joojin doonaan dadkii ay ku cadaato in Shabaab ay cadaalad ay u doonteyn.

Wuxuu sheegay dadkaasi oo wata Documentiyo been abuur ah inay u tagaan Shabaab si ay u carqaladeeyaan hanaanka Garsoorka dalka, islamarkaana uga soo horjeesteen Cadaaladda Saxda ah inay aadaan dhulka Shabaab ay joogaan.

“Waxaa jira dad aan ognahay oo maxkamaddaha ay dacwado ka yaalaan, oo dacwadahaasi looga guuleystay oo Documentiyada ay sitaan been ay yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, markaa waxaan doonaynaa in aan Shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga u tagaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Hadalaka Gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan magaaladaan Muqdishao lagu maxkamadeeyay dad Shabaab u doontay garsoor.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment