2940 Views

Baladweyne oo laga xusay Maalinta xornimada Jabuuti ee 27-ka June

Baladweyne oo laga xusay Maalinta xornimada Jabuuti ee 27-ka June
____________________________________________________________________________

Beledweyne | QOL | June 27, 2018 –  Munaasabad lagu Xusayay 27 juun oo ah xuska malinta xuriyada Dalka Jabuuti  oo ay ka qeyb galeen maamulka saraakiisha ciidamada Amisom iyo qeybaha bulshada ayaa lagu qabtay xarunta ciidamada Jabuti ee  Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Fanaaniin ka yimid Dalka Jabuuti iyo kuwa Hiiraan Band ayaa goobta kusoo bandhigay Heeso kala duwan oo ka hadlaayo xorriyadda dalka Jabuuti iyo Gacan siinta Dadka Soomaliyeed.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Hiil-Walaal ayaa saqdii dhexe ee Xalay taagay Calanka Dalka Jabuuti.

Munaasabada oo illaa Saaka soo gaartay ayaa waxaa ka hadlay Col; Cusmaan

Dubbad oo kamid ah saraakiisha Safaadda Dalka Jabuuti iyo Col; C/raxmaan

Riyaale Xareed oo ah taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan.

Waxanay dhammaantood sheegeen inay  Maanta oo kale ahmiyad weyn u leedahay Dadka Reer Jabuuti iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, iyagoo hambalyo u diray Shacabka iyo Ciidamada reer Jabuuti.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Xoogga

Dalka Soomaaliya Col; Farax Cali Waasuge (Farax Kooshin), wuxuuna ka sheekeeyay doorka ay Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin nabad kusoo dabbaalidda Gobolka Hiiraan, Maantana ay muhiimad gaar ah u leedahay Dadka iyo Ciidamada Jabuuti.

Guddoomiyaha Degmada Baladweyne, Macallin Maxamed Cusmaan Cabdi (Qallaafoow) ayaa sidoo hambalyo kal iyo laab ah u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo guud ahaan Shacabka Reer Jabuuti Maalinta 27-ka June awgeed.

Intii ay socotay Munaasabadda ayaa waxaa halkaasi kusoo bandhigay Dhoolla tus ballaadhan Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah nabad ilaalinta AMISOM, iyagoo wacad ku maray inay gacan bir ah ku qaban doonaan cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

.27juun-bweyne-1 27juun-bweyne-3 27juun-bweyne-4 27juun-bweyne-5 27juun-bweyne-6

Sources: Ibrahim Muxumad Geeddi; Beledweyne

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI                              

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment