1218 Views

Golaha Shacabka oo Maanta diiday in uu hortago RW Rooble

Golaha Shacabka oo Maanta diiday in uu hortago RW Rooble
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 08, 2021–Hadal jeedin la filayay in maanta uu Golaha Shacabka Soomaaliya ka jeediyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaqatay kaddib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hor imaado Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.

Hase yeeshee mudaneyaasha ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra’iisul Wasaaraha Warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal, ayaa ugu dambeyn sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka imaan doono maalinta Arbacada ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post