273 Views

Guddoomiyaha Golaha shacabka Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha Golaha shacabka Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 3, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga Tacsiyaysay Geerida Taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka la gula jiro Kooxda aragagaxisa Al-Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb.

Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar ka mida ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe,ayaa boggaadiyay taageerada Dowladda Ingriiska ay lagarab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed Isla markaana ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu horumarinaayo amniga, dhaqaalaha, iyo taageerada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.


Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post