1305 Views

Sawirro:-Jubbaland Oo War Ka Soo Saartay Weerar Ka Dhacay Gobolka Jubabda Hoose

Sawirro:-Jubbaland Oo War Ka Soo Saartay Weerar Ka Dhacay Gobolka Jubabda Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 12, 2019 –Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee Taliska 43-aad ayaa xoojiyey holwgalada ay ka wadaan furimaha hore ee aagga degmada Jamaame.

Ciidamada ayaa saacadahii lasoo dhaafay ee saaka waxay weerar ku qaadeen saldhig ay kooxda Al-shabaab ku lahayd meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay si wanaagsan u diyaariyeen ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, waxaa cagta lagu mariyey saldhiggii Al shabaab, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare ballaaran.

Ciidanku waxay halkaasi ku dileen tiro malayshiyaad ah, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee 7-ka.

Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji waxay siiyeen raashin iyo dawo.

Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, kuwaasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka maatada ah.

Dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ka bilaabeen deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday malayshiyaadka Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment