624 Views

Jabhadda Oromada oo sheegtay in guul ay ka gaartay dagaal ka dhacay Itoobiya

Jabhadda Oromada oo sheegtay in guul ay ka gaartay dagaal ka dhacay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Axad: June 26, 2022

Jabhadda Xoreynta Oromada ayaa sheegtay in ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan dowladda Itoobiya awoodna ay u yeehseen iney galaan magaalooyin waaweyn oo amnigooda aad loo ilaaliyo.

Taliyaha ciidamada Jabhadda OLF Kumsaa Diribaa oo BBC u warramay wuxuu sheegay in dagaalka ay dowladda kula jiraan ay sii wadayaan ilaa ay ka gaareen hadafka xornimada ee ay udagallamayaan.

Kumsaa wuxuu beeniyey eeddo loo jeediyey oo ah in goobaha ay qabsadaan ay bililiqo ka gaystaan.

Dhanka kale guddiga isku dhafka amniga ee dalka Itoobiya ay sheegay in tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada lagu meel marinayo sarreynta sharciga Jbahadda Xoreynta Oramada isla markaana la gaarsiiyay khasaare. xooggan.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post