804 Views

Ciidamada Dowladda & AMISOM oo degaano la wareegay

Ciidamada Dowladda & AMISOM oo degaano la wareegay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa waxaa ay howlgallo Amni xaqiijin ah ka sameeyeen degaano Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka jawaabayeen weerar hoobiyeyaal ah oo habeen ka hor Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgalkaas kula wareegeen degaanka luug Jeeloow oo 25km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne,halkaas oo uu sheegay inay ku xooganayeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay inay burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab Gaadiidka lacago uga qaadi doonan,sidoo kalena ay kasoo furteen Maxaabiis laba ah oo heysteen,sidoo kalena howlgalkaas uu noqon doona mid sii socda.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan saaka ka heleyno degaanada hoostaga Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in weli duleedka Magaaladaas ay Ciidamada Dowladda ka wadaan howlgallo kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post