1743 Views

Ciidamada Dowlada ee ku sugan Duleedka Guriceel oo Dagaal kooban dhex maray

Ciidamada Dowlada ee ku sugan Duleedka Guriceel oo Dagaal kooban dhex maray
____________________________________________________________________________

Axad: October 17, 202

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in halkaas ay caawa rasaas kooban isku rideen Ciidamada Gor Gor iyo kuwa 21 ee Ciidamada Xooga dalka.

Rasaastaan ayaa timid sida la sheegay kadib markii askari ka tirsan Ciidamada Gor Gor ee laga keenay magaalada Muqdisho iyo askari ka tirsan Ciidanka 21 ay is af dhaafeen kadibna  Rasaas lagu dhiftay askarigii ka tirsanaa Gor Gor oo meesha ku dhintay, halkaasna ay ka bilaabatay Xabad.

Israsaaseentaan ka dhax bilaabatay cutubyo ka tirsan Ciidamada dowladda iyo kuwa galmudug oo fariisimo cusub ka samaystay inta u dhaxaysa deegaanka Ceeldheere iyo Guriceel, ayaa imaanaysa Xili saacadihii la soo dhaafay la sugaayay jawaab ku aadan waan waan ay wadaan waxgaradka Guriceel oo ku aadan sidii Xabad aysan uga dhicin magaala ganacsiga Galmudug ee Guriceel oo ay isku hot fadhiyaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlusuna.

Sidoo kale Xiisadaan ka dhax dhalatay ciidamada dhaxdooda ayaa salka ku heesa kala shaki iyo isaamin la.aan ka dhax taagan ciidamo dhawaan laga keenay Xamar iyo kuwii horay u joogay Galmudug.

Office Nairobi Kenya  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post