1260 Views

Abaanduulihii qeybta 12’ka April oo qarax lagu dilay

Abaanduulihii qeybta 12’ka April oo qarax lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –War Idaacadda Risaala kasoo gaaray gobolka Shabeelada Hoose ayaa tibaaxaya in goor dambe oo isla maanta ah qarax miino lagu dilay Abaanduulihii qeybta 12’ka April General Cabdisalaan Sheekh Aadan Kurjoowa.

Qaraxaani oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari uu saarnaa Abaanduule Kujoow, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday saraakiil la socotay oo gaariga la saarnaa iyo ilaaladiisa.

Qaraxaani ayaa waxa uu ka dhacay isla deegaanka Dhanaane oo sidaan oo kale horaan loogu dilay Abaanduulihii uu bedelay ee qeybta 12’ka April General Cumar Dheere, 6-dii December 2018.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Meydka Abaanduulaha geeriyooday iyo ciidamada la geeriyooday laga soo qaaday halkaasi oo Muqdisho la keenay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment