948 Views

Masar oo Shuruud ku xirtay Turkiga & inay Ciiddankooda kala baxaan dalalka Carabta

Masar oo Shuruud ku xirtay Turkiga & inay Ciiddankooda kala baxaan dalalka Carabta
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 10, 2021
–Dowladda Masar ayaa waxay shuruudo adag hor-dhigtay Dowladda Turkiga, si ay labada dal u bilaabaan wada-xaajoodyada lagu xalinayo Farqiga asaaska u ah Khilaafkooda Diplomaasiyadeed.

Dowladda Masar ayaa la sheegay inay hakisay Wada-xaajoodyada lagu caadiyeynayo Xiriirka Turkiga ilaa Fahfaahin dheerad kadib.

Kulan u qorsheysnaa inay Saraakiil ka kala socda labada dal kuyeeshaan magaalladd Qaahira dhamaadka bishan April ayey Dowladda Masar laashay, sida ay shegeeen Ilo-wareedyo Fiidnimadii xalay oo Jimco ahayd la hadlay Telefishinka Al Arabiya TV ee Sacuudiga laga leeyahay, balse ay Xarumihiisa Dhexe ku yaallaan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka.

Ilo-wareedyada waxay intaasi ku dareen inay Masar hakisay wax kasta oo Wada-hadalo lagu hagaajinayo Xiriirka labada dal, tan iyo inta ay Turkiga ay Ciiddanka Calooshood-U-Shaqeystayaasha ah ka soo saarayso dalka Libiya.

Shuruuddaha ugu adag ee ay Dowladda Masar ku xirtay caadiyeynta Xiriirkooda waxaa ka mid ah:

1-  inay Dowladda Turkiga sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan Codsiyada Masar, oo ay ka mid yihiin in Tallaabo laga qaado Kanaalladda ay Ururka Akhwaanu-Muslimiinka ama (Muslim Brothershood) ee laga mamnuucay Masar ku leeyihiin gudaha Turkiga.

2-  Ilo-wareedyada waxay kaloo tilmaamayaan inay Dowladda Turkiga codsatay in waqti dheerad ah la siiyo sidii ay La-taliyayaashooda Ciiddanka iyo Xubnooda looga soo daad-gureyn lahaa dalka Libiya.

3-  Isla Ilo-wareedyada ayaa muujiyey inay Dowladda Turkiga hakisay dhaqdhaqaaqyada tiro ka mid ah Ururka Akhwaanul-Muslimiinka, balse Dowladda Masar ayaa codsatay Tallaabooyin joogto ah iyo in loo soo gacan-geliyo Yaxye Muusa iyo Calaa Al-Samaaxi, balse, Turkiga waxay codsatay in arrintasi diyaar u ahayn oo hoos loo dhigo.

4- Dowladda Masar waxay kaloo sheegtay sida ay daruuriga u tahay in Ciiddamada Turkiga laga wada daad-gureeyo dalalka Carbeed ee ay ku sugan yihiin iyo Ixtiraamka Madax-bannaanida dalalka Carbeed.

Turkiga waxay Ciiddamo iyo Saldhigyo Milliteri ku leeyihiin Somalia, Qatar iyo Libiya.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyada la hadlay Telefishinka Al-Arabiya TV waxay kaloo sheegeen inay Turkiga ballan qaadeen inay Tallaabooyin dheeraad ah ka qadi doonaan Janalada Telefishinadda Ururka Akhwaanul Muslimiinka ka hor curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, balse, Dowladda Masar waxay  Turkiga ku wargelisay in loo baahan yahay in la dedejiyo Tallaabooyinkaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post