417 Views

Ciidamada xoogga Qeeybta 27aad oo looga digay in ay ku milmaan siyaasadda.

Ciidamada xoogga Qeeybta 27aad oo looga digay in ay ku milmaan siyaasadda.
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

 Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen, Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ayaa  Dardaaran ujeediyay Ciidamada Guutada 5aad Qeybta 27aad ee Ciidanka Xooga Dalka, waxaana Taliyihu uga digay Ciidamada Qalabka sida  si gaar ah Qeybta 27aad inay kumilmaan saaxada siyaasadda Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta ayaa Ciidamada u sheegay inay u shaqeeyaan Qaranka Soomaaliyeed islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimaya qaranimada iyo Dowladnimada Dalka.

Sidoo kale waxaa Ciidamada la faray inay ka Digtoonaadaan inay  taageeraan Musharax gaar ah, gaar ahaan Xubnaha Xildoonka ah ee imaanaya Gobalka Hiiraan iyagoo isticmaalaya diriiska Ciidamada Qalabka sida

Kormeerkaan iyo Kulankaan wacya-galinta ah ee Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed uu Maanta ugu tegay Ciidamadaan ka Tirsan Guutada 5aad ee Qeybta 27aad  waxaa Ku wahlinayay Taliyaha Guutada 5aad Korneel Baakay iyo Saraakiil ka Tirsan Qeybta 27aad ee XDS.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post