507 Views

Israel oo maanta Dhoolatus militeri kasameenaysa xuduuda Jiida Gaza

Israel oo maanta Dhoolatus militeri kasameenaysa xuduuda Jiida Gaza
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay Axaddii in ay dhoolatus milatari ku sameyn doonaan maanta oo Isniin ah ilaa Talaadada meel u dhow xadka marinka Qaza.

Ciidamada ayaa sheegay in laga yaabo in qaraxyo laga maqlo deegaano ka tirsan gobolkaasi waxa ayna sidoo kale xaqiijiyeen Ciidamada Israel in dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah uusan saameyn ku yeelan doonin dhoolatusyadan.

Bishii Maajo waxa ay dhoolatus ciidan ku sameeyeen magaalooyinka Israa’iil oo dhan.

Taliska ciidanka Home Front ayaa sheegay inay dhoolatus ka sameeyeen koonfurta magaalada Sderot iyoodana uusan saameenin bulshooyinka kale ee kunol xuduudka Qaza.

Ciidanka ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameeyay deegaanada Daanta Galbeed iyo meelo kala duwan oo xuduudaha laga soo galo.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post