1953 Views

Maxkamadda Millatariga oo saakay fulisay xukun dil ah

Maxkamadda Millatariga oo saakay fulisay xukun dil ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan horey ugu xukuntay xukun dil toogasho ah, waxaana xukunkiisa fulinta uu dhacay maanta oo Axad ah sanad kadib markii qaraxaasi uu dhacay.

xeer ilaliye kuxigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kabtan Muumin Xuseen C/laahi oo dilka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka uu u dhacay sidii loogu tala galay.

Waa xukunkii ugu horeeyay ee dil toogasho oo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ay fuliso tan iyo markii uu talada dalka uu la wareegay madaxweyne Farmaajo.

22220 aas

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment