378 Views

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Amar Culus Dul Dhigay Golaha Wasiirada Cusub.

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Amar Culus Dul Dhigay Golaha Wasiirada Cusub.
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa amar culus dul dhigay wasiirada cusub, saacado yar kadib markii ay la wareegeen xilalka wasaaradaha loo dhiibay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa faray Xubnaha Wasiirada in aanay sameyn karin magacaabis iyo is bedel Mas’uuliyiinta hey’addaha ay madaxda ka yihiin, ayna waafajiyaan sharciga, isla markaana la tashi kala yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha talaabooyinka ay qaadayaan.

Inta badan Wasiirada ayaa marka ay xilka la wareegaan waxaa dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta Wasaaradda, sida Agaasimayaasha, taasoo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaruhu soo saaray ayaa u muuqda mid uu ku xakameynayo awoodaha Wasiiraddiisa inay is bedel iska sameeyaan iyagoo aanay la tashan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post