813 Views

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Oo Lagu Cadaadinayo Shaacinta Warbixinta Weerarkii Alshabaab Ee Manda Bay

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Oo Lagu Cadaadinayo Shaacinta Warbixinta Weerarkii Alshabaab Ee Manda Bay
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

 18 bilood kadib Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Saldhiga Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin Manda Bay ee magaallo xeebeedka Laamu ee dalka Kenya ayaa waxaa Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd James Austin lagu cadaadinayaa inuu shaaca ka qaado Warbixinta rasmiga ee laga diyaariyey Weerarkii Alshabab ka geysteen Saldhigaasi.

Guddi-hoosaadka Kormeerka iyo Dib-u-habaynta ee Kongaareeska Maraykanka waxay Jimcihii la soo dhaafay Qoraal u direen Xoghaye Austin oo ay kaga codsadeen inuu Warbixintaasi shaaciyo.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inay tiro Codsiyo ah u direen Waaxda Difaaca ee The Pentagon tan iyo bishii Janaayo 5-dii ee sanadkii hore, xilligaasi oo ah maalintii ay Alshabaab weerarka xooggan la beegsadeen Ciiddamo Maraykan oo ku sugnaa Saldhiga Manda Bay ee Gobalka Laamu ee Kenya.

Guddi-hoosaadka Kormeerka iyo Dib-u-habaynta ee Kongaareeska Maraykanka waxay ka codsadeen Xoghayaha Difaaca iyo Waaxda The Pentagon inay Warbixin kooban oo ku aadan Baaritaanka iyo Dib-u-eegista Weerarkaasi soo gudbiyaan bisha soo socoto ee September 30-da.

Bishii April ee sanadkan, Afhayeenka The Pentagon, John Kirby waxa uu shaaciyey in baaritaanka la dhamaystiray, balse uu Xoghaye Austin magacaabay Guddi Madax-bannaaan oo dib-u-eegis ku sameeya Warbixintii horey loo diyaariyey.

Afhayeenka waxa uu xilligaasi sheegay inaysan shaacin karin Xaqiiq-raadinta ee Baaritaankaasi, ilaa ay Guddiga Madaxa-banaan ee uu hoggamiyo Jeneral Paul Funk ka soo dhamaystirayaan Dib-u-eegistooda Baaritaankii hore loo sameeyey.

Isbuuc kadib, Taliyaha Tasliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM waxa uu u sheegay Guddiga Senedka Kongareeska ugu qaabilsan Adeega Ciiddamada inuu Xoghayaha Difaaca uu Ciiddamada siiyey 90 maalmood si ay u helaan Warbixinta, balse aan waxba la sii daynin.

Saraakiisha Maraykanka waxay hore u sheegeen in Weerarkaasi lagu dilay 3 Askar iyo Qandaraaslayaal Maraykan ah, halka ugu yaraan 2 kalena lagu dhaawacay, isla markaana 6 Diyaarad lagu burburiyey ama lagu waxyeeleeyey.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post