936 Views

Guddooomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo isku dhiibay Maamulka K/Galbeed

Guddooomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo isku dhiibay Maamulka K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur shig-shigow ayaa la soo sheegayaa in uu isku dhiibay Maamulka koonfur Galbeed oo uu shalay dagaal xoogan la galay,kadib markii xilkii laga qaaday.

 

Guddoomiyihii hore ee Diinsoor ayaa diiday in uu xilka ku wareejo guddoomiyaha Cusub ee degmadaas ,waxaana shalay uu degmadaasi diinsoor Ciidamo uu wato ay kula dagaalameen Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya oo kamid ah AMISOM.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in wadahadallo ay sameeyeen Xubno Wasiiro ah oo ku sugan degmada diinsoor iyo Odayaasha dhaqanka ay suurtagashay in Guddooomiyihii degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur shig-shigow  uu kusoo laabto degmada,kadib markii shalay dagaal looga saaray.

 

Xaalada degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa Maanta ah mid degan,waxaana dagaalkii shalay ku dhintay 7 Ruux halka ay ku dhaawacmeen Shan kale.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment