735 Views

Carruurta ku nool qaaradda Africa intooda badan oo laga tallaalayaa cudurka duumada

Carruurta ku nool qaaradda Africa intooda badan oo laga tallaalayaa cudurka duumada
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Carruurta ku nool qaaradda Africa intooda badan ayaa laga tallaalayaa cudurka duumada waqti taariikhi ah oo lagula dagaallamayo cudurka dilaaga ah.

Duumadu waxay ka mid tahay cudurrada ay u dhintaan carruurta iyo dhallaanka ugu badan ee dunida.

Mudda qarni ah oo dadaal xooggan looga jiray in tallaal loo helo cudurkan, tallaalka haatan la bixinayo waxaa lagu tilmaami karaa guushii ugu weyneyd ee la gaaray.

Tallaalkan oo looga magacdaray RTS,S ayaana la ansixiyey lix sana ka hor.

Haddaba marki tallaalka lagu tijaabiyey waddamada Ghana, Kenya iyo Malawi, kaddib hay’adda caafimaadka adduunka waxay sheegtay in tallaalkaasi laga fuliyo waddamada ku yaallo wixi ka hoseeya saxaraha Afriya ee ay kaneecada sida aadka ah uga jirto.

Agaasimaha guud ee WHO wuxuu sheegay iney arrintan tahay “dhacdo taariikhi ah”.

“Tallaalka duumada ee carruurta ee muddada dheer laga dhuur sugayey sayniska waxay u tahay rekoor cusub oo ay jabiyeen isla-markaana lagu badbaadinayo noolasha kumannaan carruur yaryar ah” ayuu yiri.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post