1368 Views

Dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Kooxda Macwiisley oo ka dhacay Jowhar.

Dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Kooxda Macwiisley oo ka dhacay Jowhar.
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Kooxda Macwiisley.

Rag ka tirsan Macwiisleyda ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Jowhar, sidaasina uu ku bilowday dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warramayaan inay maqlayaan dhawaqa hub Culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Kooxda Macwiisley ay ka careysan yihiin xarig horey Gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay rag ka tirsan Macwiisleyda oo u xiran Ciidanka dowladda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post