813 Views

Taliska Ciidanka xoogga oo War kasoo saaray qaraxii Bacaadweyne

Taliska Ciidanka xoogga oo War kasoo saaray qaraxii Bacaadweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 21, 2020-Arroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaa lagu qaaday Saldhiga ay Ciidamada millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaari nooca loo yaqaano Leyla Calaawi oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ciidamadu ku joojiyeen afaafka hore ee saldhiga qeybta 21-aad ka degan yihiin Deegaanka Bacaadweyn,hayeeshee wadaha uu isku dayay in uu si awood ah koontoroolka ku marsiiyo,balse Ciidamad ay ku dhufteen Qori Baasuuke ah sidaasina uu ku qarxay.

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay kahortageen gaari laan-guruusal ah kaas oo ay Soomaalidu utaqaan leyla Calaawi inta badan loo adeegsada safarada gobolada dalka islamarkaasna ay saarnaayeen Xubno isku-soo xiray waxyaabah qarxa oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax khasaare ah soo gaaray Ciidanka haatan islamarkaasna ciidanka ay u diyaarsanyihiin inay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post