1053 Views

Haweenka Golayaasha Deegaannada Galmudug oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb

Haweenka Golayaasha Deegaannada Galmudug oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Jimco: September 10, 2021

 Wasiiru Dowlaha Ahna Ku-Simaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib Uheshiisiinta Dawlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Xasan Cali  ( Axmed Dheere ) ayaa maanta soo xiray Tababarka Daadejinta Maamulka iyo Xuquuqda Carruurta oo muddo afar cisho uga socday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.kaasi oo loo qabtay Haweenka Golayaasha Deegaannada Galmudug.

Tababarkaan ayaa waxaa ka faa’iideystay 17 xubnood oo Haween ah oo ka kala yimid Qeybo ka mid ah Degmooyinka Galmudug,

Wasiiru-Dowlaha Ahna Sii haya Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNICEF Qeybteeda JPLG taageerada iyo maalgalinta lagu kobcinayo tayada iyo awoodaha Dawladaha Hoose, gaar ahaan Xubnaha Haweenka Golayaasha Deegaanada Galmudug.

Ugu dambeyntii Kusimaha Wasiirka Axmed Xasan ayaa Xubnaha Haweenka Golayaasha Deegaannada ubalan qaaday in ay Wasaaraddu sii joogteyn doonto Tababarada lagu dhisayo Aqoonta iyo bixinta adeegyada Dadweynaha ee Maamulada Degmooyinka Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post