768 Views

Askari lagu dilay Muqdisho

Askari lagu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Askari ku dilay Isgoyska Warshadda Caanaha ee Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.
Askariga la dilay ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano taraafikada.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayay Shaqsiyaad kala duwan , waxaana Todobaadkii lasoo dhaafay Muqdisho lagu dilay Askar iyo wiil dhalinyaro ah, dhammaan Kooxii dilka geystay ayaa goobta baxsaday

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post