477 Views

Mareykanka oo shaqadii ka eryey Mr, Steven Walker iyo Soomaaliya oo Sabab U noqotay In la Cayriyo

Mareykanka oo shaqadii ka eryey Mr, Steven Walker iyo Soomaaliya oo Sabab U noqotay In la Cayriyo
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Sida ay sheegayaan warar hoosaadyada soo baxay oolahelayo Wasaaradda Arrimaha dibada ee Mareykanka,ayaa shaqadii ka eriday Mr, Steven Walker oo ahaa ergaygii u qaabilsanaa Malafka/Galka arrimaha Eritrea, maadaama uu macluumaad ka keeni waayay 5,000 Askari oo kamid ah Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Si qarsoodi ah u tababartay dawladda Eritrea sanooyinkii lasoo dhaafay.

Walker, ayaa lamagacaabay December-2019, xiligas oo uu bilow ahaa xariirka Soomaaliya iyo Eritrea, khibradda lagu doortay ayaana ahayd in uu macluumaad kakeeni karay Isbaheysiga sadex-geesoodka ah.

US ayaa heli weyday xogta ciidankan, waxayna ay kubaraarugtay ciidamadan oo latababaray, waxayna talaabadaas galaafatay in shaqadiisa Eritrea lag bedelo Walker iyo kooxdiisii shaqada.

Farmaajo & Kooxdisii kawada shaqeynaysay siyaasadda iyo Howlaha ciidanka ayaa kuguuleystay in ay qarsoodi kadhigaan, maadaama aysan Reer Galbeedku raali ka aheyn tababar in laga qaato Eritrea, oo ay iyagu is hayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post