1272 Views

Gantaal lagu beegsaneysay diyaarad oo ku dhici gaaray xarunta nuclear-ka Israaiil oo laga riday Suuriya

Gantaal lagu beegsaneysay diyaarad oo ku dhici gaaray xarunta nuclear-ka Israaiil oo laga riday Suuriya
____________________________________________________________________________

April 22-2021


Gantaal lidka diyaaradaha ah oo ay leedahay Suuriya ayaa ku qarxay koonfurta Israa’iil, wuxuuna 30km oo kaliya u jirsaday xarunta nuclear-ka ee qarsoodiga ah.

Codadka qeylo dhaanta ayaa dhawaaqay ka hor inta aan la maqlin qarax aad u weyn oo ku beegnaa agagaarka magaalada Dimona. Ma jirin cid dhaawacantay ama burbur laga soo tabiyay halkaas.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in gantaalka uu ka mid ahaa dhowr gantaal oo lagu tuuray diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil. Waxaa dhacdadaas looga jawaabay duqeynta dhow xarumood oo Suuriya ay u yaallaan qalabka difaaca hawada.

Taliska militariga Suuriya ayaa xaqiijiyay in ay gantaallo la beehsadeen dhowr saldhig oo ku yaalla agagaarka magaalada Dimish ee caasimadda u ah Suuriya.

nta badan gantaallada halkaas lagu weeraray waa la qabtay waana la burburiyay, laakiin afar askari oo reer Suuriya ah ayaa ku dhaawacmay duqeymaha, mana jirin “burbur ka dhashay weerarka Israa’iil”, sida lagu yidhi bayaanka kasoo baxay saraakiisha Suuriya.

Israa’iil ayaa si joogto ah weerarro xaga cirka ah ugu geysata kooxaha xiriirka la leh Iiraan ee ku sugan gudaha Suuriya, iyadoo sheegta in aysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeertay militariga Iiraan “ee ku badanaya” waddanka Suuriya.

Militariga Israa’iil ayaa gantaalka difaaca hawada ee ku dhacay koonfurta gobolkooda Negev ku sheegtay inuu ahaa nooca SA-5.

Waxay sheegeen in gantaalkaas, oo dhaafay bartilmaameedkii loogu talagalay, uu ahaa mid la riday isla xilliga ay diyaaradaha Israa’iil duqeymo ka fulinayeen koonfurta Suuriya.

Gantaalka waa la qaban waayay

Baaritaan hordhac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qalabka difaaca hawada ee Israa’iil uu ku guul darreystay inuu qabto gantaalkaas ka hor inta uusan gudbin gudaha Israa’iil.

Haraadiga wax u muuqday inuu gantaal yahay ayaa laga helay meel lagu nasto oo ku taalla xaafadda Ashalim ee dhacda koonfurta-galbeed ee magaalada Dimona, laakiin ma cadda in waxaasi ay yihiin isla gantaalka SA-5 ama inuu yahay qalabka difaaca ee loogu talagalay in gantaallada lagu qabto.

“Waxaan maqlay dhawaaqa qarax aad u weyn. Wax yar ayaan sugay kaddibna bannaanka ayaan usoo baxay si aan u arko waxa soo dhacay, laakiin waxba ma arkin,” ayay tidhi Sonia Revivo oo ka mid ah dadka deegaanka, xilli ay la hadleysay wargeyska Haaretz ee kasoo baxa Israa’iil.

“Subaxdii ninkeyga ayaa iigu wacay inaan bannaanka imaado waxaana aragtay qeybo ka mid ah gantaalka. Aad baan uga cabsannay, ninkeyga wuxuu jimicsi ku sameeyaa barxadda ilaa xilliga habeennimada laga gaaro, ma jirin wax digniin ah oo nala siiyay, waxba nalooma sheegin.”

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay durbadiiba duqeymo la beegsadeen qalabkii laga soo riday gantaalka SA-5 iyo goobo kale oo ay yaallaan hubka difaaca hawada ee Suuriya.

Kooxda kormeerta xaaladda bani’aadannimo ee Suuriya, oo fadhigoodu yahay UK, ayaa sheegtay in la duqeeyay xarun ciidamada cirka Suuriya ay leeyihiin oo ku taalla magaalada Dumayra ee qiyaastii 40km u jirta caasimadda Dimishiq, halkaasna uu ku dhintay askari ka tirsan militariga Suuriya.

Magaalada Dumayra ayaa la aaminsan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin xoogagga Iiraan gacan saarka la leh ee ka dagaallama gudaha Suuriya.

Suuriga ma weerari kartaa xarunta nuclear-ka Israa’iil?

 

Uzi Rubin, oo ah khabiir u dhashay Israa’iil oo ku xeel dheer arrimaha ku saabsan gantaallada, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in xaaladda lasoo tabiyay ay tahay mid suuragal ah “oo uu awood u leeyahay” gantaalka SA-5.

Haddii militariga Suuriya ay doonayeen inay weeraraan xarunta nuclear-ka ee magalaada Dimon waxay adeegsan lahaayeen hub ka culus midkan, sida gantaallada ay heystaan ee la yiraahdo “Scud”, sida uu sheegay Mr Rubin.

Xarunta Dimona ayaa la sheegaa in lagu sameeyo hubka nuclear-ka laakiin Israa’iil wali ma aysan xaqiijinin mana aysan beenin inay heysato nuclear, taasoo qeyb ka ah siyaasadaheeda diblomaasiyadeed.

Xoojinta qalabka difaaca ee Israa’iil

Waxaa soo baxay warar sheegaya in la xoojiyay qalabka difaaca hawada ee lagu ilaaliyo magaalada Dimona iyo sidoo kale gantaallada loogu talagalay inay hubka qabtaan ee ku rakiban Badda Cas, iyadoo tallaabadaasna loo qaaday si looga hor tago haddii ciidamada ay Iiraan taageerto ay isku dayaan inay weeraraan Israa’iil. Kuwa laga cabsanayo waxaa ka mid ah xoogagga ku sugan gudaha Suuriya qudhooda.

Xiisadda ayaa wali kacsan, Iran ayaana Israa’iil ku eedeysay inay ka dambeysay weerar horaantii bishan loo geystay xarunta bacriminta nuclearka Iran ee Natanz.

Israa’iil ma aysan sheeganin mas’uuliyadda weerarkaas, laakiin Raadiyaha shacabka oo soo xiganayay ilo wareedyo ayaa sheegay in uu ahaa weerar dhinaca internet-ka ah oo ay fuliyeen sirdoonka Israa’iil.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post