243 Views

Saraakiisha Hey’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo ka dayrinaya xaaladda caafimaadka gobolo kamid ah Itoobiya

Saraakiisha Hey’adda Caafimaadka Adduunka  WHO oo ka dayrinaya xaaladda caafimaadka gobolo kamid ah Itoobiya
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 29, 2022

Saraakiisha Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaa sheegay in gelitaanka waqooyiga Itoobiya ay tahay arrin degdeg ah, si loo badbaadiyo nolosha malaayiin qof oo ay wajahaya “masiibo baahsan” oo dadka baabi’inaysa.

Cudurada Daacuunka iyo Jadeecada, ayaa laga diiwaan galiyay gobolada Axmaarada iyo Canfarta, halkaas oo hay’adaha gargaarku ay aad ugu yar yihiin.

Gobolka Tigray, halkaas oo aan hawada iyo dhulba aan midda laga gali karin muddo siddeed toddobaad ah, ayey hey’adda WHO awoodi Karin inay sawir cad ka hesho cudurrada dillaacay.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha hey’adda, ayaa waxay sheegeen in tallaalada carruurta ay joogsadeen, oo sahaydii dareerayaasha dawooyinka tallaalka ee IV-da, insulin-ta oo loo isticmaalo cudurka Sonkorta iyo antibiyootiga ay ka dhammaadeen xarumaha caafimaadka intooda badan. In ka yar toban xarumood oo caafimaad, ayaa ka hawl gasha gobolka.

Waxaa jirta cunto yari iyo shidaal yari ba’an, iyadoo lagu qiyaasay 89% dadka ku nool Tigrayga ay hadda haysato duruufaha cuntada oo gabaabsi ku ah, 29% caruurtuna waxay la il daran yihiin nafaqo darro.

Guud ahaan gobolada Tigrayga, Axmaarada iyo Canfarta, Qaramada Midoobay, ayaa waxay ku qiyaastay in 13 milyan oo qof inay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.

Horraantii bishaan, madaxa hey’adda WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo kasoo jeeda asal ahaan gobolka Tigray, ayaa sheegay inay jirto “fursad aad u kooban oo loogga hortagayo masiibo baahsan”.

Wada hadallada nabadeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo wakiillada Tigreega, ayaa toddobaadkan ka bilaabmay Koonfur Afrika, laakiin ilaa hadda ma aysan keenin duruufo saamaxaya in ururada samafalka ay galaan gobolka Tigray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post