501 Views

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jubbaland & Safiirka Ingiriiska?

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jubbaland & Safiirka Ingiriiska?
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku tagtay Magaalada Kismaauo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay tageerada Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqdaniyo nabadgalyada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed iyo tageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland oo mashaariic dhowr ah ka fulisay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post