507 Views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo wadahadal ku yeeshay Addis-Ababa markii ugu horeysay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo wadahadal ku yeeshay Addis-Ababa markii ugu horeysay
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa wada-hadallo kula yeesha ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, labada hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada, sida qoraalka lagu xisay.

“Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post