666 Views

Booliiska Turkiga oo baaraya qarax lagu arkay Gaari uu leeyahay Sarkaal Booliis ah.

____________________________________________________________________________

Axad: December 5, 2021

Booliiska Turkiga ayaa gaari uu leeyahay sarkaal katirsan Booliiska gaarka ah ee dalkaas ka helay walxaha qarxa, waxa uu sarkaalkaan kamid ahaa xubno loosoo xulay ilaalinta goob uu isu soo bax uga qaybgalayay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

TRT oo maamusho Dowladda ayaa sheegtay in qaraxa lagu arkay gaariga, booliiska ku takhasusay walxahaas markii ay furfureen ogaadeen in uu qarax ahaa balse ma bixin tafaasiil intaas ka badan.

Sarkaalkaan ayaa kasoo safray Koofur Bari ee Turkiga, Hay’adaha ammaanka ayaa gaariga ku sameeyay baaris oo ugu dambeyn waxa ay ka heleen walxahaan loo adeegsado qaraxyada oo diyaarsan.

Dowladda Turkiga ayaa xoogga saartay gacan ku qabashada Jabhadda PKK, Daacish & shaqsiyaad kale oo ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay, xabsiyada dalkaas waxaa ku xiran dad loo heysto kiisas ah waxa loogu yeero “Argagixisada”.

Xubno katirsan Xisbiga Talada Turkiga haya AK Party ayaa sheegay in “Cadawga Shacabka & Dowladda Turkiga ee Gudaha iyo Dibadda” uu maleegayo shirqool weliba uu ku hagardaamin karo hormarka dalkaas sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal katirsan Booliiska oo ka gaabsaday magaciisa in la adeegsado ayaa sheegay in uu qaraxaan ay ku tuhmayaan Kooxda Daacish in ay ku xirtay Gaariga Sarkaalka oo aaminsaneed in uu ka gudbayo baraha baarista Gaadiidka si ay u qarxiso.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa kordhay isku dayga dil ee Madax dhowr ah, Booliiska Uganda ayaa 24kii November 2021 hoteel uu ku ballansanaa Madaxweyne Museveni kasoo saaray qaraxyo, halka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Czech uu 3dii December 2021 ka badbaaday isku day dil.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post