1215 Views

Farmaajo oo caawa loo diiday in Live looga sii daayo Qudbadiisa Tv-ga Qaranka iyo TV-yada kale oo laga sii daayay

Farmaajo oo caawa loo diiday in Live looga sii  daayo Qudbadiisa Tv-ga Qaranka iyo TV-yada kale oo laga sii daayay
____________________________________________________________________________

Talaado: October 12, 2021

Waxaa caawa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday maxamed C/llaahi farmaajo, oo ka hadlay xaalada dacwadii Bada ee ICJ go’aanka ka gaartay.

Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladada badda waxa uuna eedayn u jeediyay Dowlada Kenya, waxa uuna sheegay in ay soo siiyeen siyaasiyiin lacag balse ay ku guul dareestay.

Farmaajo ayaa laga sii daynin Qudbadiisa oo ahayd Live Tv-ga Qaranka, taasi oo mar kale muuqata in farmaajo uu ku fashilmay isku day uu doonayay in uu Live looga sii daayo Tv-ga Qaranka.

Sidoo kale arintaan ayaa ah fashil kale oo ku yimid Madaxweynaha waqtigiisa dhamaday, taasi oo u muuqata in uu ku guul dareestay arintaas, oo mudooyinkii la soo dhaafay aan lagu soo qorin warqadaha Wiiftada ah oo uu ugu jawaabayay Raisal Wasaare Rooble, waxaana laga sii daayay Qudbadiisa oo live ah TV-ga Uneversal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post