465 Views

Wasiir Dubbe oo isbitaalka ku booqday Macalimuu oo soo bogsanaya

Wasiir Dubbe oo isbitaalka ku booqday Macalimuu oo soo bogsanaya
____________________________________________________________________________

Isniin: January 31, 2022

Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Abuukar Dubbe, wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud Gen. Bashiir Gooble iyo masuuliyiin kale ayaa isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku booqday Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo ka soo bogsanaya dhaawac ka soo gaaray qarax uu ku weeraray qof naftiisa haligay, 16-kii Janaayo.

Wasiir Cusmaan Dubbe iyo Wasiir Bashiir Goobe oo warbaahinta Qaranka kula isbitaalka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Macalimuu ay soo hagaageyso, iyagoo u mahad celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo dadaal badan ku bixiyey in Afhayeenaka Xukuumadda uu daryeel caafimaad helo.

Masuuliyiintaan oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa habeen hore sidaan oo kale hoygiisa ugu booqday Agaasimaha SNTV Sharma’arke Maxamed Warsame oo ka soo kabsanaya dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax uu 20-kii November ku weeraray qof naftiisa haligay, kaas oo lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post