1404 Views

Madaafiic loo riday xuska Seygii amiirada UK Amiir Philip

Madaafiic loo riday xuska Seygii amiirada UK  Amiir Philip
____________________________________________________________________________

April 10, 2021

Britain waxaa looga baroor diiqayaa geerida ku timid amiirkii Edinburgh ahna seyga boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth kaas oo Jimcihii dhintay isaga 99 jir ah.

Madaafiic lagu xusayo Amiir Philip ayaa maanta laga riday guud ahaan UK.

Waxaana lagu wadaa in aaska Amiirka uu ka dhaco St George’s Chapel oo ku taalla Windsor.

Waxaana shaaca laga qaadi doonaa faahfaahinta ku saabsan xuska aaska balse waxay u muuqataa inay ka miisaan yaraan doonto sidii caadada aheyd maadama ay jiraan xayiraadaha ka hortagga cudurka Karoona.

Guud ahaan caalamka waxaa isa soo tarayaa tacsida loo dirayo qoyska boqortooyada xilli ay murugo taagan tahay, Shiinaha iyo Australia ayaa kamid ah dalalkii ugu dambeeyayee ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amiir Philip.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post