1038 Views

Koonfur Africa oo mar kale lagu dhacay Dukaamo ay leeyihiin Somali iyo ajaaniib

Koonfur Africa oo mar kale lagu dhacay Dukaamo ay leeyihiin Somali iyo ajaaniib
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Dadka ajaanibta ah iyo Soomaalidaba ee kunool dalka Koonfur Africa, ayaa ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan oo kasoo gaara dadka u dhashey dalkaasi.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa sii kordhayey boobka hantida soo galootiga, iyo shisheeye naceybka, taasoo dhaxal siisay iney baqdin kunoolaan.

Cabdulrasaaq Maxamed Axmed, wuxuu kamid yahay ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ka shaqeysta, wuxuu sheegay in dukaankiisa iyo kuwa kalaba ay lasoo daristay boob iyo bililiqo.

Koonfur Africa muddooyinkii u danbeeyey waxaa sii kordhayey dhibaatada soo wajaheysa ajaaninta halkaasi kunool, iyadoo mar waliba la bililiqeysto goobahooda ganacsiga.

Muwaadiniinta Koonfur Africa ayaa qaba fikir ah in fursadihii iyo dhaqaalihii dalkooda ay qaateen dadyaw kasoo kala haajirey meelo kala duwan oo dunida

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post