258 Views

Fannaanka caanka ah ee heesaha Raab-ka, Takeoff, oo ka tirsanaan jiray kooxda Migosbandhas oo toogasho lagu dilay

Fannaanka caanka ah ee heesaha Raab-ka, Takeoff, oo ka tirsanaan jiray kooxda Migosbandhas oo  toogasho lagu dilay
____________________________________________________________________________

Talaado: : NOVEMBER 1, 2022

Fannaanka caanka ah ee heesaha Raab-ka, Takeoff, oo ka tirsanaan jiray kooxda Migosbandhas ayaa toogasho lagu dilay, s ida ay tebisay warbaahinta Mareykanka.

Falkan lagu dilay fannaanka ayaa ka dhacay magaalada Houston ee gobolka Texas.

Booliska ayaa sheegay in Takeoff la dilay aroornimadii maanta oo Talaado ah, waqtiga maxalliga ah.

Magaca dhabta ah ee fannaanka 28 jirka ahaa waa Kirshnik Khari Ball.

40 ilaa 50 qof ayaa isugu yimid meel uu ku ciyaarayay Kirshnik Khari Ball, waxaana mar qura si lama filaan ah rasaas ugu furay qof ka mid ahaa dadkaas, sida ay boolisku sheegeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post