789 Views

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo saakay ka jira Gudaha magaalada Guriceel iyo Duleedka Magaaladaas

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo saakay ka jira Gudaha magaalada Guriceel iyo Duleedka Magaaladaas
____________________________________________________________________________


khamiis: October 14, 2021

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo ay ka bilowdeen deegaano hoostaga magaalada Guriceel oo ay dhowaan qabsatay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Galmudug ayaa xoojisay abaabulka dagaal ee ka socda gobolka Galgaduud, isla-markaana lagu wajahayo Ahlu Sunna, si dib looga saaro magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saaka ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ka baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo gaaray deegaanka Ceeldheere, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, iyaga oo ku biiray ciidamo horey ugu sugnaa halkaasi.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ay Galmudug ku wajahayso Ahlu Sunna oo dib ugu soo rogaal celisay deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale  ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada magaalada Guriceel, waxaana heegan la geliyey askarta ku sugan gudaha magaaladaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post