1596 Views

Ciidamo ka tirsan dowladda oo xiray waddooyinka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo  xiray waddooyinka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba xiray waddooyinka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa in ay ka soo agdhawaadaan wadooyinka gala Taalada Daljirka Daahsoon, iyadoo gawaarida isticmaalayaan waddooyinka kale ee la agdhow.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Golaha Midowga Musharixiintu uu ku adkeystay in banaanbaxa uu ka dhacayo Taalada Daljirka Daahsoon, xilli Xukuumadda ay u jeedisay in loo bedalo Garoonka Cayaaraha ee Eng Yariisow Degamda Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Abaabulka Banaanbaxa ayaa ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo xubanaha musharixiinta ay kulamo la qaadanayaan taageerayaashooda.

Dhanka kale wasiirka amniga Soomaaliya ayaa goordhow lagu wada inuu la hadlo warbaahinta, lamana oga waxyaabaha uu kaga hadli doono shirka Jaraa’id, waxaana haatan xarunta wasaarada warfaafinta ku sugan weriyeyaasha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post