642 Views

diblomaasiyiin u dhalatay Ruushka iyo qoysaskooda oo ka safray Kuuriyada Waqooyi iyagoo isticmaalaya gaari gacmeed ka dib Xayraadii Covid19.

diblomaasiyiin u dhalatay  Ruushka iyo qoysaskooda oo ka safray Kuuriyada Waqooyi iyagoo isticmaalaya gaari gacmeed ka dib Xayraadii  Covid19.
____________________________________________________________________________

February  26, /2/ 2021

Koox diblomaasiyiin u dhashay Ruushka iyo qoysaskooda ayaa ka safray Kuuriyada Waqooyi iyagoo isticmaalaya gaari gacmeed ka dib markii Pyongyang ay soo rogtay tallaabooyin adag oo looga hortagaya xannuunka Covid19.

Sideeddan qof ayaa markii hore isticmaalay tareen iyo bas si ay u gaaraan xadka Ruuhka uu la leeyahay Kuuriyada waqooyi ka hor inta aysan isticmaalin gaari yar oo ay gacanta ku riixayeen si ay uga tallaabaan xadka masaafo dhan 1 km.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xaddiday inta badan gaadiidka dadweynaha si loo yareeyo faafitaanka fayraska korona.

Dalkan ayaa ku doodaya in aan wali laga helin kiis fayraska korona ah, balse dadka darsa xaaladda dalkaasi ayaa shaki weyn ka qaba sheegashadaasi.

Tan iyo horraantii sanadkii la soo dhaafay tareennada iyo noocyada kale e gaadiidka ayaa laga mamnucay dalkaasi.

Duulimaadyada caalamiga ah ee rakaabka iyo tareenada ka gudba xadka ayaa sidoo kale la joojiyay.

Diblomaasiyiinta Ruushka ayaa sidaasi darteed ku khasbanaaday inay qaab aan caadi ahayn u agaasimaan safarkooda.

“Maadama uu xadka xirnaa muddo sanad ka badan, gaadiidka rakaabkana la joojiyay, waxay diblomaasiyiinteenna ku khasbanaayeen inay galaan safar adag si ay dalkooda ugu laabtaan,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta ay Facebook-ga ku leedahay wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka.

Safarka kooxdan oo ay ku jirtay gabar 3 sano jir ah oo ka soo billowday Pyongyang ayaa qaatay 32 saacadood oo tareen ah iyo laba sacadood oo bas ah si ay u gaaraan xadka Ruushka uu la leeyahay Kuuriyada Waqooyi.

Sanadkii la soo dhaafay, diblomaasiyiin badan ayaa isaga tagay dalkaasi iyadoo safaaradaha reer galbeedkana intooda badan la xiray.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post